Sadex qof soomaali ah oo maanta iyo shaley Corona-virus ugu dhimatay Sweden.

0
92

Sida ay NorSom News ka xaqiiqsatay ilo kala duwan oo ku sugan dalka Sweden, waxaa inta la hubo maanta iyo shaley gudaha dalka Sweden Corona-virus u geeriyootay ilaa sadex qof oo soomaali ah.

Isku dar tirada soomaalida dalkaas ugu dhimatay xanuunkan ayaa hada inta la xaqiijin karo gaareyso 10 qof, inkasta oo soomaalida dalkaas ay sheegayaan tiro gaareyso 15 qof.

Sadexda qof ee naloo xaqiijiyay inay xanuunka u dhinteen ayaa AHU ahaa odoyaal da´ahaan waaweyn, ayna waayeelnimada u dheereyd xanuuno kale.

Warbaahinta ay maamulaan kooxaha neceb ajaaniibta ayaa maalmahan aad u hadalhaya tirada dadka soomaalida ee Corona-virus u geeriyootay, waxeyna soomaalida ku eedeynayaan inay qeyb ka yihiin fidinta xanuunkan, maadaama aysan raacin talooyinka dowlada.

Waxaa intaas sii dheer oo ay warbaahinta xagjirka dalkaas aad u hadalhayaan in soomaalidu aad uga shaqeyso shaqooyinka adeega bulshada, sida wadista tagaasida iyo busska. Iyaga oo sheegaya in cabsi ay ka qabaan in xanuunkaas ay qaadsiiyaan dadka ay u adeegayaan.

Soomaalida ayaa dhankooda bilaabay inay sameeyaan wacyigalin xoogan oo baraha bulshada ka socdo, kuwaas oo looga hortagayo eedeynta kooxaha xagjirka.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, Halkan riix(Subcribe/Abonner).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments