Frp oo maanta dabaaldeg weyn sameeyay, arintan darteed.

0
124

Dowlada Norway ayaa maanta ugu danbeyn 15 sano kadib ku guuleysatay inay dalka ka saarto wadaadka Mulla Krekar oo lixdii sano ee ugu danbeeyay laf dhuun gashay ku noqday dowlada. Halkan kasii akhri.

Wadaadkan iyo qareenkiisa ayaa lixdii sano ee ugu danbeeyay xanuun ku noqday dowlada Norway oo raadineysay, si uun ay wadaadkaas wadanka uga bixiso.

Xisbiga Frp oo lixdii sano ee dowlada ay ku jireen geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay, sidii ay wadaadkaas wadanka uga bixin lahaayeen, ayaa maanta farxad is celin waayay, kadib markii wadaadkaas la tarxiilay.

Waxaana baraha bulshada iyo warbaahinta lagu arkay madaxda xisbiga Frp oo ku dabaaldagayo doolshe lagu sharaxay calamada dalalka Talyaaniga iyo Norway, laguna qoray qoraal ah: Safar WANAAGSAN MUlla Krekar.

Frp ayaa doorashadii sanadkii 2013 ku galay balanqaad ah inay dalka ka bixin doonaan Mulla Krekar, balse taas wey ku guuleysan waayeen lixdii sano ee lasoo dhaafay.

Baraha bulshada ayaa maanta aad u eedeynayay siyaasiyiinta xisbiga Frp ee u dabaaldagayo oday waayeel oo loo tarxiilay dal uu ka dilaacay xanuuna Corona-virus.

FG: Si aad u hesho wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, Fadlan riix halkan(Kadibna Subcribe saar).

Xigasho/kilde: Krekar utlevert til Italia: Meling krever svar på hvem som betalte.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments