Norway: Hadii aad Sweden iyo Finland kasoo gasho, 14 maalin oo karantiilis ah.

0
137
Wasiirada cadaalada Norway

Sida ay sheegtay wasaaradda cadaalada iyo amniga Norway, laga bilaabo maalinta Talaadada ah ee Berri, dadka Norwiijiga ah ee kasoo gala wadamada Finland iyo Sweden, ayaa lagu sameyn doonaa 14 maalmood oo karantiilis ah.

Waxeyna wasaaradu arintaas ku sababeysay in looga hortagayo faafista caabuqa Corona-virus.

Wasiiradda cadaalada Monica Mæland ayaa sheegtay in dadka degan xuduuda labada wadan, ama ka shaqeeyo xuduudka Sweden ee degan Norway, aan lagu sameyn doonin karantiilis.

Dhanka kale dadka kasoo adeegto xuduudka Sweden, ayaa iyagana lagu sameyn doonaa karantiilis 14 maalmood ah, hadii ay ka gudbaan xuduudka Norway ayna tagaan oo alaabo kasoo iibsadaan gudaha dalka Sweden.

Wasiiradda cadaalada ayaa sidoo kale sheegtay in dowlada Norway aad uga shaqeyneyso, sidii dadka Norwiijiga ah ee ku sugan wadamada dibadda, nabadgalyo loogu soo celin lahaa guryahooda.

Xigasho/kilde: Justisminister Monica Mæland: – Nordmenn som har vært i Sverige må i karantene fra tirsdag av.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments