NAV: Dowlada oo dadka shaqooyinka laga fariisiyay arimo badan u fududeysay.

0
93

Xisbiyada siyaasada dalkan Norway ee katirsan baarlamaanka ayaa maanta isku raacay soo jeedin deg-deg ah oo ka timid dowlada, taas oo ah in 100 bilyan loo meelmariyo dowlada, si loogu caawiyo shirkadaha iyo dadka ay saameysay xanibaada dowlada ee ka hortaga caabuqa Corona-virus.

Xisbiyada dowlada ayaa ku heshiiyay in talaabooyin deg-deg ah la qaado, si looga hortago hoos u dhac dhaqaale oo saameeya shirkadaha ganacsiga iyo guud ahaan dadweynaha Norway:

Waxey xisbiyadu ku heshiiyeen:

  • In lacagta Dagpengerka loo kordhiyo dadka shaqada laga fariisiyay, ee horey u qaadan jiray mushaarka yar ama ka shaqeynayay shaqo aan full aheyn.
  • In Dadka shaqada laga fariiyay ay qaataan mushaar full ah 20-a maalmood oo ka bilowdo maalinta shaqada laga fariisayo. Kadibna ay ku wareegaan NAV oo dagpenger ka codsadaan.
  • Shaqada oo qofku ka shaqeyn jiray ayaa bixineyso 2-da maalmood ee ugu horeyso 20-ka maalin ee qofku uu qaadanayo mushaarka buuxa, kadibna waxaa 17-ka maalmood ee dhiman mushaarka qofka bixinayo dowlada.
  • Waxaa hoos loo dhigay shardiga lacagta uu qofku sanadkii hore shaqeeyay, si loogu ogolaado Dagpenger. Xiligii hore waxaa qofka laga rabay inuu shaqeeyo 150.000 kr , 12-kii bilood ee ugu danbeeyay, si uu lacagta Dagpenger xaq ugu lahaado. Hada waxaa laga dhigay 75.000 kr.
  • In taageerada dhaqaale ee xanaanada caruurta labo jibaar looga dhigo dadka xiligan guryaha ku hayo caruurta laga xiray iskuulada.
  • Lacagta canshuurta ee laga qaado shirkadaha(Moms) oo laga yareyn doono shirkadaha sanadkan 2020.
  • In dowladu ay 80% mushaarkii ay heli jireen ay siiso, dadka ka shaqeeyo shirkadaha ay gaarka u leeyihiin ee kaligood ku shaqeytsnaan, balse waayay shaqooyinkii xanibaada owgeed.

Xigasho/kilde: Enighet om krisepakke for næringslivet og lønnstagere. Dette er endringene.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments