Muhiim: Amaradan ayay Norway soo rogtay, si loo yareeyo halista Corona-Virus.

0
161
Foto: FHI

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg ayaa shaley ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah, iyada oo soo bandhigtay ilaa 15 qodob oo dowladu ay ugu hortageyso faafitaanka cudurka Corona Virus oo ilaa hada ku dhacay 800 qof Norway gudaheeda.

Solberg ayaa shaley sheegtay in Norway ay wajihi doonto xaaladii ugu adkeyd ee dal ahaan ay wajahaan, wixii ka danbeeyay dagaalkii labaad ee aduunka.

Qodobadan ayay soo rogeen:
  • Waxaa la xiray dhamaan iskuulada, xarumaha xanaanada, jaamacadaha sare iyo dhamaan goobaha kale ee waxbarashada.
  • Iskuulada iyo xarumaha xanaanadu waa inay keenaan qaab kale oo ay ilmuhu waxbarashadooda kusii wadan karaan, iyaga oo la kaashanayo waalidka, inta ay iskuuladu xiranyihiin.
  • Waxaa la mamnuucay dhamaan xafladaha iyo kulamada ay isugu imaanayaan wax ka badan 50 qof. Sidoo kale waxaa la baajiyay dhamaan ciyaarihii kubadda cagta iyo dhamaan noocyada kale ee sportiga, sida kubadda gacanta, mida koleyga, orodka iyo waliba dabaasha.
  • Waxaa la amray in la xiro dhamaan goobaha timo-jarka, cilaan saarka, duugista(Massasje), goobaha jimicsiga iyo adeegyada kale ee kuwaas la xiriira. Waxaa si gaar ah loo mamnuucay goobaha shaqada ee dadku ay neef ahaan isku soo dhawaan karaan ama caabuqa si fudud isku qaadsiin karaan.
  • Waxaa la amray in la xiro goobaha maqaaxiyaha, kaffeteeriyada, baararka iyo goobaha lagu caweeyo. Waxaa laga soo reebay oo kali ah maqaaxiyaha cuntada ee awooda iyo dadka wax ka cunaya ay u dhaxeyn karaan hal mitir ugu yaraan.
  • Dukaamada cuntada iyo adeega ayaa si caadi ah usii shaqeyn doono. Dowlada ayaa dadka ka dalbatay ineysan dadku sameyn adeeg xad dhaaf ah, si aysan u abuurmin xaalad cunti yari ah oo laga maarmi karo.
  • Gaadiidka dadweynaha ee magaalooyinka ka dhex shaqeeyo ayaa u shaqeyn doono si caadi ah. Balse dowlada ayaa dadka ka codsaday inay guryahooda joogaan, hadii aysan jirin sabab muhiim ah oo ku qasbi karto inay guriga kasoo baxaan.
  • Dowlada ayaa dadka caafimaadka ka shaqeeyo ama leh aqoonta caafimaad ku amartay ineysan dalka ka dhoofi karin, waxeyna sheegeen in dalku uu hada u baahanyahay dad leh aqoon caafimad.
  • Waxaa la xakameeyay dadka raba inay booqdaan isbitaalada iyo goobaha kale ee caafimaadka. Waxeyna dowladu dadka ka codsatay inay yareeyaan booqashada isbitaalada.
  • Lama booqan karo goobaha lagu xanaaneeyo dadka waaweyn ama dadka kale ee u nugul qaadista caabuqa Corona Virus.
  • Dhamaan dadka ka imaanayo wadamada ka baxsan Nordiga, ayaa lagu sameyn doonaa karantiilis, xitaa hadii aysan ka muuqan calaamadaha caabuqa. Amarkan ayaa sidoo kale khuseeyo dadkii Norway soo galay wixii ka danbeeyay 27-ka bishii February.

Waxaa wali soo kordha qodobada ay dowladu, soo saareyso, si loo xakameeyo cudurka. Wixii soo kordha, dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Dette er tiltakene til Erna Solberg: – Vi står i en vanskelig tid

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments