Hey´adda canshuuraha oo dadka uga digeyso khiyaanadan.

0
218

Hey´adda canshuuraha dalkan Norway ayaa dadweynaha ku wargalineyso inay ka digtoonaadaan dad iska dhigaya inay hey´adda ka socdaan, rabana inay khiyaanaan ama lacag ka dhacaan.

Xiliyadan oo kale bishan, hey´adda ayaa dadka usoo dirta waraaqda canshuur celinta sanadka, waxaana jiro boqolaal kun qof oo waraaqda canshuur celinta helay, halka dad kalena ay heli doonaan maalmaha soo socdo.

Dadkan ayaa e-mailo ama fariimo mobilada ugu dirayo dadweynaha, waxeyna iska dhigayaan dad ka socdo hey´adda canshuuraha, iyaga oo ku wargalinayo inay lacag canshuur ah usoo noqotay oo loo diri doono. Waxeyna ka codsanayaan inay sheegaan ama soo diraan kaarka bankiga iyo koontada gaarka ee qofka. Si markaas ay khiyaano ahaan u adeegsadaan kaarka ama koontada qofka.

Hey´adda ayaa dadka ku wargalineyso inay fariin ama e-mail u dirin dadka, balse ay ka codsadaan inay galaan bartooda allinn. Waxeyna dadka uga digeysaa inay bixiyaan macluumaadka kaarkooda bankiga ama koontada u gaarka ah ee qofka.

NB: Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, Halkan riix(Subcribe/abonner).

Xigasho/kilde: Skatteetaten advarer om ny svindelmetode

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments