Wasiir

Wasiirka difaaca Norway, Frank Bakke-Jensen  ayaa caawa fiidkii lagu sameeyay karantiilis, kadib markii looga shakiyay inuu qaaday caabuqa Corona-Virus. Waxaana wasiirka laga baajiyay dhamaan kulamadii iyo shirarkii uu ka qeybgali lahaa labada isbuuc ee soo socdo, ilaa inta laga xaqiijinayo inuu viruska caabuqa qaaday iyo inkale.

Sababta wasiirka karantiilista loogu sameeyay ayaa xiriir la leh in wasiirku uu gacanta ka salaamay dad qaarkood ay safar ku tageen dalka Talyaaniga, gadaal danbana qaarkood lagu arkay calaamadaha cudurka Corona Virus.

NRK ayaa qoray in wasiirku uu shaley ka qeybqaatay shir ay dowladu laheyd, waxaana hada baaritaan lagu sameynayaa xubnaha kale ee dowlada katirsan ee uu wasiirku xiriirka la sameeyay.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa sheegtay in wasiirku ay xaaladiisu fiicantahay, wax calaamado cudurka la xiriirana aan lagu arkin, laakiin ay arinta tahay taxadar iyo kahor tagis faafitaanka cudurka.

Faafitaanka cudurka Corona ee gudaha dalka Norway ayaa si xowli ah kor u kaceysa, waxaana ilaa hada cudurka Norway laga helay 304 qof. Halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: Forsvarsminister i karantene – nå kartlegges flere i regjeringen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments