Booliska Giriiga oo toogasho ku dilay tahriibayaal.

0
248

Sida ay soo tabiyeen wariyeyaal ku sugan xuduuda u dhaxeyso dalalka Turkiga iyo Giriiga, ilaalada xuduuda dalka Giriiga ayaa xabado ku furay dad tahriibayaal ah oo isku dayay inay kasoo gudbaan xuduuda u dhaxeysa labada wadan.

Qaar kamid ah xabadaha ay ilaalada xuduudka Giriiga fureen, ayaa afka iyo qoorta uga dhacday nin u dhashay dalka Siiriya oo tahriibe ahaa. (Halkan ka fiiri muuqaalka dhaawaciisa) Wuxuuna markii danbe u geeriyooday dhaawaca sooo garay, waxaana meydkiisa loo soo celiyay dalkii uu ku sugnaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ee Turkiga.

Dowlada Giriiga ayaa markii hore diiday jiritaanka in booliska dalkaas ay dileen qof tahriibe ah, balse markii danbe waxey sheegeen inay isku dayayaan inay sameeyaan wax walba oo ay awoodaan, si ay xuduudkooda uga celiyaan ku dhawaad 14.000 qof oo tahriibayaal ah oo raba inay Yurub soo galaan.

Xigasho/kilde: Gresk grensepoliti skjøt og drepte flyktning.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments