Tøyen: Nin madaxa dube looga dhuftay.

0
144

Sida ay xaqiijiyeen booliska Oslo, nin afarteemo jir ah ayaa saaka lagu dhaawacay xaafada Tøyen ee magaalada Oslo. Waxaana dhaawaca ninkan loo adeegsaday dube ama «burus».

Booliska ayaa sheegay isbitaalka u wadeen ninka la dhaawacay, waxeyna sheegeen inuu dhaawac kasoo gaaray lafta madaxa.

Dhanka kale waxey sheegeen inay qabteen nin lagu tuhunsanyahay inuu falkan ka danbeeyay, kaas oo xabsiga loo kaxeeyay. Booliska ayaa sheegay in ninka ay falkan uu ahaa qof ay horey aqoon iyo xiriir ula lahaayeen.

Ninka la dhaawacay ayaa sheegay in qofka dhaawaca u geystay uu ahaa qof ay horey aqoon isugu lahaayeen.

Xaafada Tøyen ayaa kamid ah xaafadaha ay aadka ugu badanyihiin soomaalida degan Oslo.

Xigasho/kilde; Person slått i hodet med hammer på Tøyen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments