Norway oo ugu danbeyn go´aansaday in Krekar Talyaaniga loo gacangaliyo.

0
86
Wadaadka Krekar.

Wasaarada cadaalada Norway ayaa qoraal ay maanta kusoo qortay bogeeda internetka, ku sheegtay inay go´aansatay in wadaadka Najumuddin Faraj Ahmad oo lagu naaneyso Mulla Krekar, loo gacangaliyo dowlada Talyaaniga oo codsatay in loo soo dhiibo.

Maxkamada sare ee Norway ayaa horey u sharciyeysay in Krekar oo loo heysto danbiyo la xiriira argagaxisnimo loo gacangalin karo dowlada Talyaaniga, halkaas oo maxkamad kutaal wadankaas ay xukun ku riday.

Wasiiradda cadaalada Norway Monica Mæland ayaa warbaahinta u sheegay go´aansadeen in Krekar loo dhiibo Talyaaniga, maadaama ay maxkamada sare horey kiiskaas u go´aamisay. Uuna kiiskaas buuxiyay dhamaan shuruudaha gacan-galinta.

Wadaadkan oo caan ka ah warbaahinta Norway ayaa asal ahaan kasoo jeedo dalka Ciraaq, qeybta kurdida. Wuxuuna ku eedeysanyahay danbiyo la xiriiro argagaxisnimo iyo hanjabaad uu u geystay dad ka fikir duwan isaga.

Xigasho/kilde: Justisdepartementets Krekar-vedtak: Krekar skal sendes ut av Norge «så snart som mulig»

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments