Sharciyaqaan: Keshvari si qaldan ayaa loola dhaqmay.

0
131
Foto: NRK/SKJERM

Gudoonka baarlamaanka Norway ayaa Mazyar Keshvari oo horey u ahaa xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway u diiday in la siiyo sadex bilood oo mushaar dheeri ah, kadib markii uu lumiyay booskiisii xubinimada baarlamaanka. Halkan kasii akhri

Gudoonka baarlamaanka Norway ayaa arintan ku sababeeyay in Keshvari uu qirtay, loona xukumay inuu baarlamaanka Norway ka dhacay lacag gaareyso 450.000 kr. Halkan kasii akhri.

Sharci yaqaan: Keshvari si qaldan ayaa loola dhaqmay.

Hans Fredrik Marthinussen oo ah macalin sharciga iyo qaanuunka ka dhiga jaamacada Oslo, ayaa go´aanka gudoonka baarlamaanka Norway ee diidista mushaarka Keshvari, ku tilmaamay mid qaldan.

Macalinkan ayaa sheegay in kiiska Keshvari loo xukumay iyo codsigiisa mushaarka dheeriga ah ay yihiin labo kiis oo aan isku xirneyn, ayna qalad tahay la isku soo qabto.

Wuxuuna sheegay in Keshvari oo mudo dheer baarlamaanka katirsanaa uu si lamid ah xubnaha kale ee baarlamaanka Norway, uu xaq u lahaan karo in la siiyo mushaar dheeri ah, hadii uusan helin meel kale oo uu mushaar ka qaato. Uuna mushaarkaas kasii dhigan karo kumeel gaar, inta uu shaqo kale ka helayo.

Xigasho/kilde: Keshvari fikk nei til etterlønn – jusprofessor reagerer

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments