DN: Shirkad xawaalad soomaali ah oo laga ceshtay ogolaanshaha lacag dirista.

0
137

Sida uu qoray wargeyska ka warama arimaha dhaqaalaha ee Dagens Næringsliv, waaxda qaabilsan ilaalinta iyo la socoshada suuqyada maaliyada (Finanstilsynet), ayaa ogolaanshaha(leysinka) lacag dirista kala noqotay shirkad xawaalad soomaali ah oo lagu magacaabo TCC Finans.

Finanstilsynet ayaa kala noqoshada ogolaanshaha lacag dirista ee shirkadan soomaalida ah, ku sababeysay in shirkadu ay jabisay sharciga soo gudbinta warbixinada maaliyadeed ee waajibka ku ah dhamaan shirkadaha ka shaqeeya arrimaha maaliyada( Rapporteringsplikten).

Wargeyska Dagens Næringsliv oo soo xiganayo Finanstilsynsetin ayaa sheegay in waxyaabayaha ay Finanstilsynet ku heysato shirkadan soomaalida ah, ay kamid yihiin ineysan sidii laga rabay u fulin xeerarka loo sameeyay ka hor tagista danbiyada la xiriira dhaqista lacagta iyo maalgalinta ururada argagaxisida.

Dad magacyadood si qaldan lacag loogu diray:

Wargeyska Dagens Næringsliv ayaa sidoo kale qoray, in baaritaan ay sameysay finanstilynset lagu ogaaday afar qof si qaldan loo adeegsaday aqoonsigooda, iyada oo magacyadooda lagu diray lacag aysan iyagu dirsan, kana warqabin. Finanstilsynet ayaa aaminsan in dadka magacooda sida qaldan loo adeegsaday ay ka badan karaan afar qof.

Shirkada la heysto ayaa dhankeeda sheegtay in arintaas uu ku danbeeyay qof shaqaale shirkada katirsanaa, kaas oo markii danbe shaqada laga ceyriyay, balse aan booliska lagu dacweyn.

Waxeyna shirkadu sheegtay inay hagaajiyeen, dib u habeyna ku sameeyeen shuruucda shaqada iyo ilaalinta, si looga hortagi inay dhacaan arrimo sharciga kahor imaan karo.

2019: 468 milyan ayaa hal xafiis oo Grønland kuyaalo laga diray.

Wargeyska Dagens Næringsliv oo soo xiganayo diiwaanka lacagaha laga diro Norway, ayaa sheegay in shirkada soomaalida ah ee laga celiyay leysinka lacag dirista, ay sanadkii 2019 oo kali ah Norway ka dirtay 468 milyan oo kr.

Shirkadan ayaa hada heysato labo isbuuc oo ay racfaan kaga qaadan karto go´aanka hey´adda Finanstilsynet.

Xigasho/kilde: Fratatt konsesjonen etter mistanke om bistand til hvitvasking og terrorfinansiering

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments