Brønnøysund oo ugu danbeyn diiwaan-galisay gudiga masaajidka Towfiiq.

0
125
Foto: Faksimile/NRK TV-Dagsrevyen.

Diiwaanka(Registerka) qaabilsan diiwaan-galinta ururada iyo gudiyada maamula, ayaa maanta diiwaan-galiyay gudi uu yeelan doono maamulka masaajidka Towfiiq. halkan ka fiiri.

Gudigan ayaa ah mid kamid ah labadii gudi ee horey isugu heystay maamulka masaajidka, waana gudigii ay maxkamada khilaafaadka Oslo sida kumeel gaarka ah ugu xukuntay inay yihiin gudiga masaajidka ee la doortay. Waxeyna gudigan badali doonaan gudigii la doortay 2016 oo xilkiisu uu ku ekaa 2018, balse sida kumeel gaarkah masaajidka ugu qornaa inta laga helayo gudi maamul oo iyaga badala. Halkan kasii akhri.

Gudiga ay maanta Brønnøysund diiwaan-galisay ayaa labo mar oo hore la diiday in la diiwaan-galiyo, kadib markii sagaal qof oo sameeyay gudi kale ay ka dabo direen waraaqo kale oo ay dhankooda ku sheeganayaan inay yihiin gudiga maamula masaajidka Towfiiq. Arintaas oo sababtay jahwareer dhanka maamulka ah oo masaajidka Towfiiq ka taagnaa sanadkii lasoo dhaafay.

Towfiiq ayaa hada yeelan doono maamul matala oo hey´addaha dowlada u diiwaan gashan, balse ma cada inay arintan xalin karto khilaafkii maamulka masaajidka ku saabsanaa ee soomaalida dhexdeeda ahaa.

Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Oslo ayaan wali cadeyn mowqifkiisa ku aadan xukunka maxkamada khilaafaadka Oslo, iyo in masaajidku uu dib ugu soo fasixi doono taageeradii dhaqaale ee sanadlaha aheyd, taas oo masaajidka looga joojiyay si kumeel gaar ah, khilaafka maamulka owgiis.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments