49 mar ayay imtixaanka «Teoriga» baabuurka ku dhacday, si ay ninkeeda u caawiso.

0
116
Foto: Vegvesenet

Sida uu qoray NRK, haweenay u dhalatay dalka Siiriya ayaa lagu eedeeyay inay si kutalo gal ah ugu dhacday imtixaanka «Teoriga» baabuurka, si ay jawaabaha imtixaanada ugu uruuriso ninkeeda oo ajaaniibta ka caawin jiray qishka imtixaanka Teoriga.

Haweeneydan ayaa iska fogeysay falka lagu eedeeyay, balse mudadii u dhaxeysay 2009 ilaa 2015 waxey imtixaanka Teoriga gashay 49 jeer, kuwaas oo dhamaantood ay ku dhacday. Sanadkii 2009 oo kali ah ayay 19 mar gashay imtixaanka Teoriga, kuwaas oo dhamaantood ay ku wada dhacday.

Maxkamada racfaanka ayaa haweeneydan ku xukuntay 7 bilood oo xabsi ku xukuntay haweenaydan, wuxuuna xukunkaas labo bil ka hooseeyaa kii ay ku xukuntay maxkamada sare ee degmada Larvik.

Ninka haweeneydan oo asna Siiriyaan ah ayay boolisku ku eedeeyeen inuu ajaaniibta ka caawin jiray qishka imtixaanka teoriga, waxaana lagu xukumay 10 bilood oo xabsi ah. Waxeyna boolisku sheegeen inuu adeegsan jiray kaamirooyin ku xiran jirka qofka iyo sameecadaha dhagaha ee qofka.

Dadka uu ninkan imtixaanka u qaaday, ayaa waxaa ku jiro kuwo aan si fiican ugu hadlin luuqada Norwiijiga, balse uu ninkan ku caawiyay inay ku baasaan imtixaanka baabuurka, qeybtiisa Teoriga.

Marka laga tago labadan qof ee is qaba, waxaa falkan qisha imtixaanka loo xukumay 18 qof oo kale.

Xigasho/kilde: Strøk på teoriprøven 49 ganger – dømt for juks

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments