Soomaaliya oo qaabileyso dadka Daacish ku biiray ee Sweden ka tagay.

0
135
Foto: Villa Somalia Sawirka: Madaxweyne Farmaajo iyo safiirkii hore ee Swden ee Soomaaliya.

Dhowr waalid oo Soomaali ah ayaa Sweden ka tagay si ay dawladda Soomaaliya uga dhaadhaciyaan in ay caruurahooda ka soo kaxeeyso kaamka Al-hol ee Suuriya. Dhanka kale madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ”Farmaajo” ayaa ansixiyay qorshe baadhitaan ku saabsan sidii hooyooyinkan iyo carurahooda dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya.

Mid ka mid ah waalidiintan ayaa ah Yaasiin oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho. Gabadhiisa iyo labadeeda caruur ayaa ku xidhan kaamka Al-hol.

Sababta aan Soomaaliya u joogo ayaa ah xukuumada Soomaaliya oo naga ballan qaaday in ay naga caawiso in dadka oo asalkooda soomaalida ah dib dalkoodii loogu celiyo iyada oo aan cidna la khasbeeyn. Si aan u riixno oo u dhirigalino ayaan Muqdisho u tagay.

Bilihii ugu dambeeyay wuxuu ku noola Muqdisho si uu siyaasiinta soomaaliya uga dhaadhiciyo in gabadhiisa iyo labadeeda caruur loo soo kaxeeyo. Haweenkan ayaa u dhoofay Suuriya iyo Iraaq si ay ugu biiraan ururka argagaxisada ee Daacesh. Maamulka kurdida ee halkaas ayaa qiyaasay in ay kaamkan joogaan 30 ilaa 40 qof oo swedish-soomaali ah, badankoodu waa haween iyo caruurtooda. Boqolkii ba 50 dadka halkaas jooga ee Sweden ka tagay ayaa ah Swedish -Soomaali.

Yassin ayaa sheegay in gabadhiisii ay sannadkii 2014:kii u dhooftay Suuriya si ay ururkan ugu biirto. Aabe Yassin ma filaneeyn in ay go´aankaas qaadan laheeyd.

-Waxeey aheeyd gabadh waalidkeeda u dhaga nugul, iskuulka wax  dhibaato ah kama maqlin. Waxeey jeclayd in ay kubada cagta ciyaarto islamarkaasna dugsiga quraanka ayey aadi jirtay.

Dawladda Sweden ayaa hore u shaacisay in ay adag tahay in halkan lagu soo celiyo shaksiyaadka ku biiray ururka argagaxisada ee Daacesh.

Cali Saciid Faqi oo ah safiirka Soomaaliya Yurub u fadhiya ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya diyaar u tahay in ay qaabilaan haweenka iyo caruuraha Suuriya jooga. Xitaa kuwa dibadaha ku dhashay ee an dhalashada Soomaaliya haysanin.

-Rajadeenu waxeey tahay in gacan loo fidiyo oo ay Soomaaliya ku soo laabtaan.

Xigasho/kilde Sveriges-Radio.se

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments