Solberg: 674 qof ayaa sanadkii 2018 isku dilay Norway.

0
128
Foto: Skjermdump-NRK

Ari Behn oo ahaa qoraa iyo farshaxaniiste caan ka ahaa dalkan Norway ayaa isbuucii lasoo dhaafay isku dilay magaalada Oslo. Waxeyna geerida ninkan oo horey u qabi jiray gabadha boqorka Norway ay keentay in aad looga hadlo mowduuca la xiriira is dilka dadka oo horey aysan warbaahintu ugu dhiiran jiray inay si faah-faahsan uga hadlaan. Halkan kasii akhri

Boqorka Norway, Harald V iyo reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa labaduba ka hadlay geerida Ari Behn oo gilgishay Norway. Waxeyna sheegeen inuu ahaa qof bulshada dhexdeeda qadarin ku leh.

674 qof ayaa sanadkii is disha:

Boqorka iyo reysulwasaarahaba waxey khudbadooda aad uga hadleen tirada sii kordheyso ee dadka sanad walba ee isku dila Norway, gaar ahaan dadka maskax ahaanta u xanuunsan ee aan la dareemin inay xanuunsanyihiin ilaa ay isdilaan.

Solberg ayaa khudbadeeda ku sheegtay in sanadkii 2018 ay Norway isku dileen dad tiradoodu ay gaareyso 674 qof, kuwaas oo naftooda u gooyay sababo kala duwan.

Reysulwasaaraha ayaa bulshada ugu baaqday inay ka warqabaan xaalada dadka ka agdhow ee maskax ahaanta u xanuunsan, iyada oo dhanka kale sheegtay in dowladu ay qaadi doonto talaabo walba oo looga kortagi karo is dilista dadka naftooda goynaya. Ayna ku dadaali doonto in dadkaas la siiyo caawinta ku haboon oo ay u baahanyihiin kahor inta aysan go´aansan inay naftooda gooyaan.

Xigasho/kilde: 674 personer tok sitt eget liv her i landet i 2018.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments