Geerida nin uu sodog u ahaa boqorka Norway oo wadanka gilgishay.

0
185
Sawirka: DAVID SICA

25-kii bishii Desember ee sanadkii dhamaaday, waxaa is dilay Ari Behn oo ahaa nin horey usoo guursaday, caruurna ay wada dhaleen gabadha boqorka Norway ee Märtha Louise.

Ari Behn ayaa ahaa qoraa, farshanaxiiste iyo qof qora ruwaayadaha iyo masraxyada lagu soo bandhigo tiyaatarada Norway. Waxeyna geeridiisu, iyo waliba inuu gacantiisu isku dilay maalinta ciida sanadka masiixiyada(25-Desember), ay gilgishay guud ahaan bulshoweynta Norway.

Ari ayaa sida kor ahaan u muuqday ahaa qof ladan, magac lagu qadariyo ku leh bulshada, isla markaana dhaqaale ahaana lagu tiriyo dabaqada sare ee bulshada Norway. Sida ay sheegeen dad ka agdhawaa Ari Behn, ma muuqan sabab keeni kartay inuu is dilo.

Qoyska boqortooyada Norway ayaa war kasoo saaray geerida wiilka uu sodoga u ahaa boqorka Norway. Sidoo kale boqorka oo laga arki karay qiirada geerida ninkan, ayaa shaley qudbada sanadka cusub ku xusay geeridiisa, isaga ku amaanay inuu ahaa xubin firfircoon oo kamid ahaa qoyska boqortooyada. Wuxuuna ku sheegay inuu ahaa nin naxariis badan, furfuran, isla markaana inta badan ka fakera dadka kale.

Reysulwasaarasha Norway ayaa iyadna shaley khudbada sanadka cusub kusoo qaadatay geerida Ari, waxeyna ku baaqday in caawin loo fidiyo dadka xanuun maskax ahaan ama ku fakarayo inay isdilaan, si looga hortagi inta aysan naftooda halaagin kahor. Erna Solberg ayaa qirtay inay jiri karaan boqolaal qof oo maskax ahaan xanuunsan, balse muuqaal ahaan u muuqdo kuwo fiican oo aan wax dhib ah qabin.

Märtha Louise oo ah gabadha boqorka Norway iyo Ari Behn ayaa wada dhalay sadex caruur ah. Waxeyna is guursadeen sanadkii 2002, iyaga oo kala tagay sanadkii 2016.

Märtha Louise ayaa hada la socoto ninka sheegta inuu daaweeyo cuduro waaweyn, uuna soo nooleeyo dadka dhintay ee Durek Verrett. Halkan kasii akhri sheekadooda.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments