Siyaasi tusaale xun usoo qaatay soomaalida, mar uu ka hadlayay joojinta qaadashada qoxootiga.

0
93
Ole Borten: Wasiirkii hore ee shidaalka Norway. Foto: Wikipedia

Ole Borten Moa waa siyaasi katirsan xisbiga Sp ee dalkan Norway, horey wuxuu usoo ahaa xildhibaan katirsan baarlamaanka iyo waliba wasiirka shidaalka, xiligii uu reysulwasaarsaha ahaa Jens Stoltenberg.

Dhawaan ayuu bogiisa Facebooga kusoo qoray afar sababood oo uu ku doodayo in la yareeyo tirada qoxootiga ah ee Norway ay soo qaadato sanadkii. Wuxuuna ka jawaabayay maqaal uu qoray wargeyka Nettavisen oo ku saabsanaa in Norway ay qoxooti aad u yar soo qaadato, marka loo fiiiriyo awoodeeda iyo tirada qoxootiga caalamiga ee xiliga.

Da´yarta Soomaalid waxey ku badanyihiin mukhaadaraadka:

Qodobka labaad ee afarta sababood ee ninkan ku doodayo in la yareeyo qoxootiga ay Norway soo qaadato, ayuu ku sheegay inay dhib weyn ka taagantahay sidii qoxootiga cusub ay dalka ula qabsan lahaayeen. Wuxuuna sheegay in isla maalinta uu qoraalka qorayo uu NRK ka dhageystay barnaamij ka hadlayo in dhalinyarada soomaalidu ay aad uug badantahay adeegsiga mukhaadaraadka ama maandooriyaha.

Isabell Dahl oo ah gabar dhalinyarada ardayad ka ah jaamacada Bergen ayaa wargeyska Utrop ugu jawaabtay Ole Borten, iyada oo sheegtay in qaabka liito ee uu ninkan uga hadlayo soomaalida, ay xusuusisay qaabka ay Iiraanadu ugu hadli jireen qoxootiga reer Afgaanistaan ee wadankooda kusoo qaxay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee siyaasi ka hadlayo qoxootiga uu tusaale liito usoo qaato soomaalida, balse soomaalidu waxaa mar walba loo soo qaataa tusaalayaasha la xiriira guuldareysiga ajaaniibta iyo qoxootiga.

Xigasho/kilde:

Fire grunner til at Ola Borten Moe vil ha færre flyktninger.

Ola Borten Moe kjører 30 år gammel iransk stil når han omtaler somaliere

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments