fredag, april 19, 2024

Deg-deg: Frp oo isaga baxay xukuumada Erna Solberg.

Shir jaraa´id oo ay si wadajir ah daqiiqado kahor u qabteen madaxda xisbiga Frp, ayay ku sheegeen inay ugu danbeyn go´aansadeen inay isaga baxaan xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg.

Maalmihii ugu danbeeyay, waxaa shirar isdaba joog ah ku jiray madaxda xisbiga Frp iyo xubnaha baarlamaanka ee xisbigaas, taas oo ay uga arinsanayeen ka bixitaanka xukuumada Solberg ama kasii mid ahaanshaheeda.

Gudoomiyaha xisbiga Frp, Siv Jensen ayaa shirka jaraa´id ka akhrisay guulaha ay xisbigaas gaareen intii ay kamid ahaayeen xukuumada Solberg, kahor inta aysan si toos ah ugu dhawaaqin ka bixitaanka xisbiga Frp ee xukuumada.

Siv Jensen ayaa sidoo kale sheegtay in xisbigeedu uu ku biiri doono xisbiyada mucaaradka, balse ay wali kalsooni ku qabto reysulwasaare Erna Solberg, aysana ka keeni doonin mooshin xil ka tuuris.

Waxaa xusid mudan in muranka xisbiga Frp iyo xukuumada Solberg ee ugu danbeeyay dhaliyay inay Frp isaga baxaan xukuumada, uu ka bilowday kiiska haweenay Daacish ka tirsaneyd oo Norway loo soo qaaday, iyada oo la socoto ilmaheeda xanuunsan.

Wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo galin:

Frp går ut av regjering.no

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x