Qodobadan ayay UK iyo Norway ku heshiiyeen, kahor ka bixitaanka UK ee EU.

0
186
FOTO: Trude Måseide / xafiiska R.W Norway

Sanadihii ugu danbeeyay boqolaal soomaali ah oo heysta dhalashada dalkan Norway, ayaa shaqo ahaan ama deegaan ahaanba u wareegay dalweynaha Ingiriiska. Soomaalidan ayaa marka ay joogaan UK, loo xisaabinayaa inay yihiin muwaadiniin Norwiiji ah, si lamid ah dadka kale ee Norwiijiga ee UK kunool.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway, ayaa shaley magaalada London ku saxiixday heshiis hordhac ah oo ay wada galeen wadamada Norway iyo Ingiriiska. Heshiiskan ayaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo xuquuqda 20.000 qof oo Norwiiji ah oo UK kunool iyo 15.000 British ah oo Norway kunool.

Labada wada ayaa ku heshiiyay in inta ka dhiman sanadkan 2020-ka, ay muwaadiniinta labada wadan u dhashay ee ku kula nool labada dal, ay sii heysan doonaan xuquuqaha ay hada ku leeyihiin UK iyo Norweyba.

Iyada oo dhamaadka sanadkan 2020 ama bilowga sanadka danbe ee 2021 ay mar kale kala saxiixan doonaan heshiis dhameystiran oo ku saabsan xaqiijinta xuquuqaha muwaadiniinta labada wadan iyo guud ahaan wada shaqeynta ka dhaxeyso dowladaha UK iyo Norway.

Heshiiskan ayay Norway ku sheegtay in loogu talagalay in lagu ilaaliyo xuquuqda dadka Norwiijiga ah ee UK kunool, inta lagu gudo jiro mudada kala guurka ee UK ay kaga baxeyso midowga Yurub.

UK ayaa isbuucan dhamaadkiisa, 31-ka bisha January ka bixi doonto midowga Yurub.

Xigasho/kilde: Norge og Storbritannia signerte brexitavtale

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments