torsdag, mars 28, 2024

Dalxiisayaal Shiineys ah oo codsaday inay Norway sii joogaan.

Dalka shiinaha, gaar ahaan gobolka Hubei waxaa aad usii kordhaya tirada dadka uu saameeyay cudurka hargab u ekaha ah ee xanbaarsan viruska «coron». Wuxuuna xanuunkan ilaa hada soo ritay dad ka badan 6000 qof, iyada oo ilaa hada tirada dhimashada ee la xaqiijiyay ay mareyso 132 qof.

Dowlada shiinaha ayaa xanibaad xaga socdaalka ah kusoo rogtay dadka degan gobolkaas, si looga hortago faafitaanka cudurkaas. Iyada oo duulimaadyada caalamiga ah ee gobolkaas tagi la hakiyay socdaalkooda, waxeyna saameyn ku yeelatay suuqa duulimaadyada caalamiga ah.

Norway: Dalxiisayaal codsaday inay Norway sii joogaan.

Xiligan waxaa Norway ku sugan boqolaal dalxiisayaal u dhashay dalka Shiinaha, kuwaas oo ku joogo dal ku gal»viso» dalxiis ah.

Sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda, dalxiisayaal u dhashay dalka shiinaha ayaa dowlada Norway ka codsaday in loo dheereeyo xiliga visaha, si ay fursad ugu helaan inay Norway sii joogaan inta xaalada faafitaanka cudurkaas ay dhinac u dhaceyso.

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa wargeyska VG u xaqiijisay in khatarta faafitaanka cudurkaas aysan si toos ah u u sababi karin in qofka mudada visaha loo dheereeyo, balse ay ka fiirsan doonaan codsiyada ka imaada shaqsiyaadka soo codsaday in loo dheereeyo xiliga visaha.

Waxeyna wasaaradu VG u sheegtay in dhamaan dalxiisayaasha Norway kusoo galay visaha dalxiiska, ay iyagu masuul ka yihiin inay Norway kaga baxaan xiliga uu dhaco viisahooda.

Xigasho/kilde: «Virusfaste» kinesiske turister i Norge: Vil ikke hjem nå

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x