Per Sandberg: Waxaan hada kahor qiimeeyay inaan is dilo.

0
138
Foto: Youtube

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa warbaahinta Norway aad looga hadlayay mowduuc la xiriira is dilka dadka, iyada oo reysulwasaaraha Norway ay sheegtay in sanadkii 2018 oo kali ah ay Norway gacantooda isku dileen 674 qof. Halkan kasii akhri.

Ka hadalka mowduucan oo waayadii hore aad looga ilaalin jiray afka warbaahinta iyo dadka madaxda ah, ayaa maalmahan aad usoo xoogeystay ka hadalkiisu, kadib markii uu 25-kii desember is dilay Ari Behn oo ahaa nin qoraa caan ka ah dalkan Norway, horeyna u qabi jiray gabadha uu dhalay boqorka dalkan Norway.

Per Sandberg: Waxaan qiimeeyay inaan is dilo.

Wasiirkii hore ee kaluumeysiga dalkan Norway, ahaana jiray gudoomiye ku xigeenka xisbiga Frp, Per Sandberg ayaa isaga oo la hadlayo TV2 qirtay in sanado kahor uu mudo ka fakarayay inuu isdilo, maadaama uu xamili waayay culeyska iyo cadaadiska nolosha.

Per oo sidoo kale bilo si kumeel gaar ah u ahaa wasiirka soo galootiga ayaa in xiliga uu isdilka ku fakarayo uu la kulmay dhowr dhacdo oo is xig-xiga oo negativ ah. Isaga oo ugu danbeyn sheegay inuu ugu danbeyn xamili waayay saameynta iyo culeyska nololeed ee dhacdooyinkaas is xigxigay ee noloshiisa lasoo darsay.

Wuxuu tusaale ahaan usoo qaatay labo dhacdo oo kale ah: in laga qaaday leysinka wadista baabuurta, iyo inuu khamri soo cabay xili uu ku qornaa inuu meel ka khudbeeyo.

Sandberg oo sanadkii 2018 si qasab ah xilka looga casilay ayaa sheegay in arrimaha qofka ku keena inuu isdilka doorto ay ku bilowdeen si hoose oo uusan isaga marka hore dareemi karin, ilaa ay marka danbe xoogeystaan oo isku badalaan go´aan qaadasho. Isaga oo cadeeyay inay tahay sida adiga oo galay qol mugdi ah oo aadan garin karin qaabka aad uga soo bixi laheyd.

Wuxuuna sheegay in waxa ugu muhiimsan ee qofka uu xiligaas u baahanyahay ay tahay qof uu la hadlo oo fikir ahaan uu culeyska maskaxeed la wadaago. Si uu ugu yaraan isaga qafiifiyo cadaadiska fikirka maskaxda.

Per Sandberg oo xili kamid ahaa dadka ugu hadalka qalafsan siyaasada Norway, in xiligaas uusan waligiis la hadli dhakhtar cilmi nafsiga, balse markii uu la hadlay uu kasoo baxay dhibtii xaga maskaxda iyo fikirka ka heysatay.

Xigasho/kilde: TV2

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments