Norway oo ugu danbeyn dhaqan-galisay in qofku uu laba jinsiyad isku heysan karo.

0
156
Foto: NorSom News(c)

Dowlada Norway ayaa ugu danbeyn maanta oo ah bilowga sanadka cusub ee 2020 dhaqangalisay in qofka heysto dhalashada ama jinsiyada Norway, uu heysan karo ama qaadan karo dhalashada wadan kale. Sharciga isku heysashada labada dhalasho, ayuu baarlamaanka Norway ansixiyay sanad iyo bar kahor, balse dhaqangalgiisa ayaa qaatay mudo dheer.

In qofka uu isku heysan karo labo dhalasho ayaa ka dhigan in bulshada ajaaniibta ah ee kunool Norway, ay heysan karaan dhalashada wadamadii ay asal ahaan kasoo jeedeen, hadii ay qaataan jinsiyada Norway. Sidoo kalena ay dib usoo ceshan karaan jinsiyadoodii asalka aheyd, hadii ay horey isaga dhiibeen, xiligii ay qaadanayeen tan Norwiijiga ah.

Sidoo kale dadka asal ahaan Norwiijiga ah ee ku qasbanaa inay iska dhiibaan jinsiyada Norway xiliga ay qaadanayeen dhalashada wadan kale, ayaa hada dib usoo ceshan kara jinsiyadoodii hore ee Norwiijiga aheyd. Arintan ayaa faa´iido weyn u leh ganacsatada Norwiijiga ah ee ka holwgala ama ganacsiga ku leh wadamada dibadda ah, ama Norwiijiyaan xiliyo hore u guuray wadamo kale, halkaas ku dhalay caruuro qaan-gaar ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments