Norway oo heshiis la gashay UK, kahor ka bixitaanka UK ee EU.

0
172
Norway and UK.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa maanta sheegtay in dowladaha Norway iyo UK ay maanta saxiixdeen heshiis hordhac oo xaqiinaya xuquuqda muwaadiniinta labada dal ee kula nool labada wadanba.

Heshiiskan ayay Solberg sheegtay in inta lagu jiro mudada kala wareega ah uu xaqiijin doono xuquuqda muwaadiniinta Norwiijiga ah ee UK kunool, iyo kuwo Britishka ah ee Norway kunool, kadib marka ay UK ka baxdo midowga Yurub, 31-ka bishan January ee sanadka 2020.

Mudada kala wareega ah ee dhameystirka heshiiska ka bixitaanka UK ee midowga Yurub, ayaa ku eg 31-desember ee sanadkan 2020. Waxeyna reysulwasaaraha Norway sheegtay in heshiiskan uu xaqiijanayo muwaadiniinta Norwiijiga ah ee Norway kunool inta ay socoto howsha kala guurka UK iyo EU.

Reysulwasaaraha Norway ayaa sheegtay in UK iyo Norway ay ka dhaxeeyaan xiriir ganacsi iyo mid bulsho aad muhiim, kaas oo u baahan in la ilaaliyo, xitaa hadii ay UK ka baxdo midowga Yurub iyo heshiiska wadashaqeynta EØS.

Xigasho/kilde: NORGE HAR SIGNERT BREXIT-AVTALE

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments