Norway: Iiraaniyadii saaxiibka la noqotay wasiirka oo amaantay generalkii uu Trump dilay.

0
90

Bahareh Letnes oo ah gabar u dhalatay dalka Iiraan, saaxiibna la ah wasiirkii hore ee kaluumeysiga Norway Per Sandberg, ayaa bogeeda Intstgramka soo dhigtay sawir ay ku amaaneyso General Qaasim Suleymaani .

Suleymaani oo ahaa generaalkii uu amarka ku bixiyay Trump in la dilo, ayaa ahaa madaxa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dalka Iiraan. Wuxuuna kamid ahaa mid kamid ah dadka ugu awooda badan dalka Iiraan, uguna taageerada badan.

Bahareh oo aheyd gabadhii uu la saaxiibisteeda xilkiisa ku waayay wasiir Per Sandberg ayaa amaantay General Suleymaani, waxeyna ku tilmaantay inuu ahaa halyeey dalkiisa u dagaalamayay, geesina ahaa. Waxeyna la barbardhigtay askartii Norwiijiga aheyd ee xiligii gumeysiga Germany Norway la dagaalameysay.

Shaley ayay tirtirtay isla qoraalkii ay ku amaantay General Suleymaani, waxeyna sheegtay inay la kulantay hanjabaad dil ah.

Xigasho/kilde: Bahareh Letnes hyller drept iransk general: – Krigshelt

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments