mandag, april 22, 2024

Gabar kufsi been ah niman ku eedeysay oo xabsi lagu xukumay.

Maxkamad kutaal dalka Qubrus ayaa Gabar dhalinyaro ah oo u dhalatay dalka Ingiriiska ku xukuntay afar bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inay kufsi been abuur ah ka sheekatay 12 nin oo u dhashay Israel.

Maxkamada ayaa cadeysay in eedeynta haweeneydan ay aheyd mid aan xaqiiqo ku dhisneyn oo been abuur ah, waxaana isla iyadii cabashada soo gudbisay lagu soo oogay danbi ah inay been u sheegtay hey´addaha dowlada.

19-jirtan ayaa mudo bil ah ku jirtay xabsi, kadib markii ay ka noqotay dacwadii ay markii ka gudbisay dhalinyarada ay sheegtay inay kufsadeen. Waxeyna booliska u qiratay inay been aheyd aheyd dacwada ay soo gudbisay. Halkii ay ka sugeysay in lasii daayo, ayaa iyadii danbi lagu soo oogay, ugu danbeyna xabsi lagu xukumay.

Gabadhan Ingiriiska u dhalatay ayaa markii danbe hadana sheegtay in boolisku ay ku cadaadiyeen inay ka noqoto dacwadeedii hore, isla markaana ay qirato inay ka been sheegeysay eedeynta kufsiga.

Banaanka hore ee goobta ay ka socotay maxkamadeynta haweeneydan, ayaa waxaa soo buux dhaafiyay boqolaal taageerayaal ah oo sheegay inay rumeysanyihiin gabadhan iyo ka run sheegisteeda dacwada ay booliska u gudbisay ee kufsiga.

Xigasho/kilde: Britisk kvinne dømt for falsk voldtektsanklage på Kypros

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x