Muhiim: Sharciyadan ayaa dhaqan-gali doono sanadka cusub ee 2020.

0
222
Foto: © Mimsy Møller / Samfoto

Maalinta ugu horeysa ee sanadka cusub, waxaa sida caadiga ah Norway ka dhaqangala sharciyo iyo xeerar cusub, kuwaas oo baarlamaanku uu horey u meelmariyay. Sharciyada cusub ee sanadkan dhaqangalkoodu ay ka bilaabanayaan maanta ayaa waxaa kamid ah:

Lacagtii leysinka TV-ga NRK oo la joojiyay: NRK ayaa qof walba oo TV uu guriga u yaalo sanad walba ka qaadi jiray lacag gaareyso 3600, balse wixii ka bilowdo maanta, waxaa la joojiyay in qofku uu bixiyo leysinka NRK.Taas badalkeedu canshuurta qofka ayaa lagu dari doonaa lacagta leysinka daawashada NRK, iyada oo loo fiirinayo dakhliga qofka soo galo sanadkii.

Labo dhalasho/jinsiyadood oo la ogolaaday: Dowlada Norway ayaa ugu danbeyn dhaqan-galisay sharcigii uu baarlamaanku meelmariyay sanad kahor ee ku saabsanaa in qofka mawaadinka Norwiijiga ah loo ogolaado inuu qaadan karo dhalashada wadan kale, isaga oo aan lumin tiisa Norwiijiga ah. Sidoo kale ajaaniibta rabta inay qaadato jinsiyada Norway ayaa lumin doonin dhalashadoodii hore.

Lacagta dhalmada oo la kordhiyay: Wixii ka danbeeyo sanadka cusub, hooyooyinka dhala caruur, aana xaq u laheyn lacagta waalidka, ayaa la siin doonaa taageerada dhalmada ee hooyada, taas oo dhan 84.720 kr. Waxaa sanadkan lacagtaas lagu kordhiyay 1580 kr.

Degmooyin iyo gobolo cusub: 19-kii gobol ee Norway ay koobnaan jirtay, ayaa hada la isugu soo uruuriyay 11 gobol. Sidoo kale dowlada ayaa isku dartay guud ahaan 119 degmo oo horey degmo ahaan u tirsanaa, balse hada lala mideeyay degmooyin kale. tirada degmooyinka guud ee gobolada Norway ayaa sanadka cusub kadib noqon doono 356 degmo.

Lacagta baasaboorka oo la kordhiyay: Lacagta laga qaado qofkii raba inuu baasaboorka Norwiijiga cusbooneysiiyo, ayaa laga dhigay 570 kr, halkii markii hore ay aheyd 450 kr. Lacagta baasaboorka caruurta ayaa ayaa iyadana laga dhigay 342, halka markii hore ay aheyd 270 kr.

Xaqa masuuliyada waalidnimo ee caruurta oo la badalay: Wixii ka horeeyay sanadkan, marka uu ilmo dhasho, hooyada ayaa si toos ah loogu qori jiray xaqa masuuliyada waalidnimo ee ilmaha cusub ee dhashay, hadii labada waalid aysan is qabin ama wada degeneyn. Balse dowlada ayaa isbadal ku sameysay sharciga caruurta. Wixii ka danbeeyo sanadkan cusub Aabaha iyo hooyada ayaa u sinaan doono xaqa waalidnimo ee ilmaha dhashay, hadii labadooda aysan is qabin ama wada degneyn.

Ganaaxa maqnaanshaha balanta isbitaalka oo la kordhiyay: Dowlada ayaa sanadkan kor u qaaday lacagta ganaaxa ah ee laga qaado qofka gooyo ama imaan waayo balanta isbitaalka. Waxaana ganaaxaas laga dhigay 1053 kr, halka markii hore uu ka ahaa 702 kr.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments