Hooyadan soomaalida ah oo 10 sano kadib Norway ka heshay magangalyo.

0
110
Foto: Skjermdump/NRK

Hooyo soomaali ah oo magaceeda lagu soo gaabiyay Yaasmiin, oo aheyd hooyadii sheekadeeda qoxootinimo lagu soo qaatay barnaamijka Brennpunkt ee NRK, ayaa ugu danbeyn 10 sano kadib Norway ka heshay magangalyo.

Sida lagu xaqiijiyay bog facebooga ah oo hooyadan soomaalida ah taageero dhaqaale loogu uruuriyo, Norway ayaa ugu danbeyn magangalyo kumeel gaar ah oo sadex sano ah siisay hooyadan, iyada oo sadex sano kadib xaq u lahaan doonto inay codsato degenaansho rasmi ah.

Dowlada Norway ayaa hooyadan ku heysatay kiis ku saabsan inay horey magangalyo uga codsaday dal kale oo Yurub ah dhexdiisa ah, kahor inta aysan Norway magangalyada soo weydiisan. Balse cadaadis badan kadib, waxeyn dowlada Norway si kumeel gaar ah u ogolaatay in hooyadan aan laga tarxiilin Norway, maadaama daryeel caafimaad oo ku filan aysan ka heli karin wadanka ay horey faraha ugu laheyd. Ugu danbeyn waxaa hada la siiyay magangalyo ay wadanka si xoriyad ah ugu noolaan karto.

Hooyadan oo sheekadeeda ay aad u taabatay dadweynaha Norway, kadib markii laga diyaariyay barnaamij ay uga hadleyso dhacdooyin nolosheeda horey usoo qabsaday, ayaa 10-kii sano ee ugu danbeeyay ku sugneyd xaalad aad u adag.

Xigasho/kilde: Støttegruppen for Yasmin

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments