fredag, april 19, 2024

Sh Maxamed Idriis: Xalinta Khilaafka Towfiiq waa lagu guuleystay.

Sheikha caanka ah ee Maxamed Idriis ayaa saaka aroortii qoraal uu kusoo daabacay bogiisa Facebooga ku sheegay inuu dadka bogiisa ku xiran ugu bishaareynayo in lagu guuleystay xalinta khilaafkii ka dhex taagnaa soomaalida Oslo, ee isku heystay maamulka masaajidka Towfiiq.

Maxamed Idriis ayaa qoraalka ku sheegay inuu xog ka hayo in khilaafkaas la xaliyay, dhawaana lasoo afjari doono. Saacado kadibna ay bayaan soo bixi doonaan midowga maraakiista Norway ee labadii isbuuc ee ugu danbeeyay ku howlanaa xal u helista khilaafkaas masaajidka maamulkiisa hareeyay.

Soomaalida Norway ayaa aad ugu dhagtaagayo inay maqlaan xal ka gaarista maamulka masaajidka Towfiiq oo ah xarunta ugu weyn ee kulmisa soomaalida Norway, kaas oo sanadkii ugu danbeeyay ku sugnaa xaalad cakiran oo xaga maamulka ah. Inkasta oo si caadi ah ay u socdeen howl maalmeedkii caadiga ahaa ee masaajidka iyo xarumaha hoos taga.

Gudiga maraakista ee labada guruub u dhaxeeyay ayaa horey u diiday inay wax faah-faahin ah ka bixiyaan gogosha ay u dhigeen labada kooxood ee maamulka masaajidka isku heysta. Iyaga oo sheegay inay marka ay arinta soo gaba-gabeeyaan ay bayaan kasoo saari doonaan natiijada howsha ay isku xilsaareen.

Qoraalka Sheikh maxamed Idriis oo soo xiganayo maraakista u dhaxeysa labada guruub ee is heysata, ayaa noqon doono arin farxad galisa bulshada soomaaliyeed ee Oslo, kuwaas oo khilaafka masaajidka iyo saameyntiisa aad uga wel-welsanaa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x