Labadan qareen ee Norwiijiga ah ayaa kala matala Soomaalida isku heysta maamulka Towfiiq.

0
143

Tan iyo intii ay warbaahinta Norway bilowday ka hadalka khilaafka soomaalida ee masaajidka Towfiiq, waxaa soo noq-noqday magaca Steinar Stenvaag oo ah sharci yaqaan ku hadlaya magaca mid kamid ah laba kooxood ee soomaalida ah ee isku heysta maamulka masaajidka Towfiiq.

Stenvaag ayaa warbaahinta, gaar ahaan NRK ka sheegay inuu ku hadlayo macaga xubno katirsan masaajidka oo raba in maamulka masaajidka uu noqdo mid u dhaxeeyo xubnaha masaajidka, intii ay isku soo koobi lahaayeen koox yar oo gaar ah. Halkan kasii akhri

Arild Humlen oo isna ah qareen caan ka ah warbaahinta Norway, ayaa isna dhankiisa shaley la hadlay warbaahinta. Isaga oo sheegay inuu matalayo gudiga sida kumeel gaarka ah usii haya maamulka Towfiiq. Isaga oo shaley NRK uga jawaabay eedeyn ku saabsan in gudiga maamulku uu lacag gaareyso sadex milyan, sifo aan sharci aheyn ugu wareejiyay gudiga waqafka. Halkan kasii akhri.

Arild Humlen ayaa ah qareenkii kiiskii caan baxay ee Mahad Abiib.

Labadan qareen ayaa mid walba dhankiisa u qaato lacago, inkasta oo aan si sax loo heli karin lacagta ay saacadii ku shaqeeyaan. Waxaase hubaal inay isku dar boqolaal kun oo kr ka dhalin doonaan inta uu khilaafkan socdo. Waxeyna si fiican uga sii faa´iideysan doonaan, hadii kiiska uu gaaro maxkamad ama uu muranku sii jiitamo oo hey´addaha iyo xafiisyada dowlada ay soomaalida is heysata iskula meereystaan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments