Sweden: Wasiirka difaaca Ciraaq oo ku eedeysan inuu sifo qaldan dowlada Sweden lacag ceyr ah kaga qaadan jiray

0
105
Najah al-Shammari wasiirka eedeysane ah.

Sida ay qorayaan warbaahinta dalalka Ciraaq iyo Sweden, wasiirka difaaca dalka Ciraaq Najah al-Shammari oo heysta dhalashada dalka Sweden, ayaa la sheegayaa inay ku socoto baaritaanka eed ka dhan wax is dabo marin dhaqaale dowladeed.

Wasiirka oo sanadkii 2015 qaatay dhalashada ayaa Sweden ka diiwaan-gashanaa inuu yahay qof xanuunsan oo aan shaqeysan karin, balse wuxuu dalka Ciraaq ka heystaa mid kamid ah jagooyinka wasiirnimo ee ugu sareysa.

Wargeyska Aftenbladet ayaa qoray in wasiir Al shammar ay booliska Sweden si kumeel gaar ah xabsiga u dhigeen sanadkii 2015, isaga oo ku eedeysnaa wax isdabaro-marin dhaqaale dowladeed. Dacwadaas ayaa markii danbe soo afjarantay iyada oo aan kiiska la hor geynin maxkamada

Wasiirkan oo horey u ahaa general katirsan ciidanka Ciraaq ayaa sidoo kale lagu eedeynayaa in mudadii uu xilka joogay xasuuq loo geystay dad waday mudaaharaad nabadeed oo dowlada looga soo horjeeday.

Warbaahinta dalka ciraaq, gaar ahaan kuwooda xiriirka dhow laleh dowlada ayaa shaki ka keenay wararka ay warbaahinta Sweden ka qortay in wasiirka difaaca dalkaas uu heysto dhalashada Sweden.

Xigasho/kilde: Svenske medier: Iraks forsvarsminister mistenkt for trygdesvindel.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments