Denmark: Dowlada oo soo qaadeyso wiil soomaali ah oo waalid la ´aan ah.

0
92
Mette Frederiksen : Reysulwasaaraha cusub ee Denmark

Dowlada Denmark ayaa go´aansatay inay dalka Siiriya kasoo qaado wiil 11-bilood jir ah, kaas oo aabihii uu asal ahaan Soomaali ahaa. Waalidka ilmahan ayaa kamid ahaa kooxdii bur-burtay ee Daacish.

Hooyadan wiilkan oo hada ku sugan xerada qoxooti ee Al-Xol, ayaa lagu dilay duqeyn xaga cirka ah oo dhacday bishii Maarso ee sanadkan. Halka aabihiisna lagu dilay isla dalka dalka Siiriya. Waalidiinta wiilkan ayaa heystay dhalashada Denmark.

Wasaarada arrimaha dibadda Denmark ayaa xaqiijisay in wiilkan ay u qaadeen wadan sadexaad, dhawaana laga soo dajin doonon dalka Denmark.

Awoowga iyo ayeeyada dhanka aabe ee wiilkan ayaa lagu wareejin doonaa xanaanadiisa, sida ay xaqiijisay wasaarada arrimaha dibadda Denmark.

Xigasho/kilde: Foreldreløs baby hentes hjem fra Syria til Danmark

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments