Markab Norway laga leeyahay oo burcad ay afduubatay.

0
188
Foto: J. J. Ugland Companies Markanbka la afduubtay

Kooxo burcad ah ayaa markab laga leeyahay dalkan Norway ku afduubatay banaanka xeebaha dalka Benin ee dhaca galbeedka qaarada Afrika. Markabkan, ayaa waxaa lala afduubtay sagaal qof oo shaqaale ah markab ka shaqeynayay.

Weerarka lagu afduubtay ayaa ka dhacay meel 15 kiilomitir u jirto xeebaha dalka Benin. Waxaana la sheegay in dhamaan shaqaalaha markabka saaran oo u dhashay dalka Filipiin ay nabad qabaan.

J.J. Ugland oo ah shirkada markabka la afduubtay iska leh, ayaa sheegtay inuu xiriir toos ah kala dhaxeeyo dowlada dalka Benin, aana loo soo sheegin wax dhaawac ah oo la gaarsiiyay shaqaalaha saaran markabka.

Xeebaha dalka Benin iyo qeybo kamid ah galbeedka Afrika, ayaa lagu tirayaa marinada biyaha ee xiligan ugu halista badan socdaalka maraakiibta.

Xigasho/kilde: Norsk skip kapret utenfor Benin

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments