Booliska Norway oo baaritaan ku sameynayo madaxa hey´adda Sirdoonka (PST).

0
84
(Foto: Politiet)Hans Sverre Sjovold, madaxa sirdoonka Norway ee hada eedeysan.

Unuga qaabilsan baaritaanka danbiyada ka dhaca xubnaha katirsan laamaha amaanka(Spesialenheten for politisaker), ayaa furay baaritaanka kiis gal dacwadeed ka dhan madaxa hey´adda sirdoonka Norway, Hans Sverre Sjøvold.

Madaxa sirdoonka Norway ee xiligan oo horey u ahaan jiray taliyaha booliska Norway, ayaa ku eedeysan inuu guriga dhigtay xub sharci daro ah, oo uusan ogolaansho u heysan. Waxaana arintan baaritaan ku sameeyay oo fashiliyay wargeyska VG, oo soo bandhigay in Hans Sverre uu dhowr sano guriga ku heysta hub sharci daro ah.

Madaxa sirdoonka ayaa sheegay in hubkan uu ka koobnaa labo qori oo nooca fud-fud ah ee gacanta uu u hayay haweenay uu ninkeeda geeriyooday oo ay saaxiib yihiin. Uuna haweeneydaas u sameeyay wanaag saaxiibtinimo, sidaas darteed uu guriga hubka ugu hayay, ilaa uu markii danbe ka helay cafiska heysashada hubka.

Jan Egil Presthus oo ah madaxa booliska baara kiisaska la xiriira xubnaha katirsan laamaha amaanka, ayaa xaqiijiyay inay kiis baaritaan ku furayaan madaxa sirdoonka, ayna ka sal gaari doonaan kiiskan.

Xigasho/kilde: Har opprettet sak mot PST-sjefen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments