Manchester: Soomaali isku dayay inuu dad laayo oo xabsi daa´in lagu xukumay.

0
162

Nin Soomaali ah, oo isku dayay inuu dilo saddex ruux, oo uu ku jiray askari ka tirsan booliska Britain ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah.

Mahdi Maxmuud ayaa falkaas ku geystay weerar uu toorri u adeegsaday oo ka dhacay goob tareennada laga raaco oo ku taalla magaalada Manchester.

Ninkan 26 jirka ah, ayaa toorri la dhacay lammaane wada socday, ka dibna wuxuu weeraray askari lagu magacaabo Lee Valentine, oo ka howlgalayay Manchester Victoria, dabayaaqadii sannadkii lasoo dhaafay.

Waxaa horay loogu sheegay in 11 sano oo xabsi ah lagu xukumi doono ka dib markii uu qirtay saddex nooc oo dambi ah, oo dhammaantood la xiriira isku day dil iyo fal argagixisanimo ah. Maxkamadda Manchester Crown ayaa ku dhawaaqday xukunka.

Maxamuud ayaa marka hore lagu xiri doonaa meel ka mid ah isbitaal amnigiisa si weyn loo adkeynayo.

Garsoore Stuart-Smith, oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sida ay wax u dhaceen u sheegay Mahdi, oo daggan xaafadda Cheetham Hill ee magaalada Manchester, wuxuuna ku yiri ; «Waxaad adigoo si daggan ugu dhex socda goobta tareennada laga raaco aragtay lammaanaha».

«Kadib waad daba raacday, waxaad lasoo baxday mid kamid ah toorriyahaaga waadna ku weerartay. Waxaad weerartay adigoo damacsan inaad disho», ayuu yiri garsooraha.

Mahdi ayaa ninka dhowr jeer toorrida uga dhuftay dhabarka, garbaha iyo madaxa, haweeneydii la socotayna wuxuu uga dhuftay wajiga, ka hor inta uusan weerarin askariga, oo isku dayayay inuu ka qabto.

Garsooraha ayaa sheegay in dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah ay ninkan u horseedeen inuu ku fikiro arrimo jihaadi ah, laakiin uu qaadan karay mas’uuliyadda buuxda ee weerarka uu geystay.

Maxamuud ayaa marka isbitaalka laga saaro loo gudbin doonaa xabsi uu noloshiisa ku dhameysan doono.

‘Naxdin weyn’

Maxamuud aabihiis, oo warqad u diray garsoorka maxkamadda, ayaa sheegay in qoyskiisu ay dadka dhaawacmay u duceynayeen tan iyo markii uu dhacay weerarka «argagaxa» leh, wuxuuna sheegay inuu aad uga mahadcelinayo jawaabta degdegga ah ee ay ciidanka amnigu bixiyeen.

Wuxuu intaas ku daray in qoysku ay aad uga «argagaxeen», ayna «naxdin weyn» dareemeen markii ay maqleen waxa uu wiilkiisa sameeyay, isagoo sheegay in haddii uusan dhibaato dhinaca maskaxda ah qabin uusan sameyn lahayn ficil noocaas ah.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments