Bergen: Aabe soomaali ah oo «Kommunaha» Bergen kaga guuleystay kiis baaritaan gudniin ah oo gabadhiisa lagu sameeyay.

0
94
Foto: Faksimile/Bergen Tidende

Gudi-maxkamadeedka( diskrimineringsnemnda) qaada kiisaska la xiriira dacwadaha faquuqa iyo heybsooca ee magaalada Bergen, ayaa aabe soomaali ah u xukumay kiis dacwo ah oo kala dhaxeeyay «kommunaha» Bergen. Kiiskan ayaa la xiriira baaritaan gudniin ah oo lagu sameeyay gabadhiisa yar oo lix sano jir ah.

Aabahan oo lagu magacaabo Abdul-Kadri Ahmed Mohamed, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Bergens Tidende ee magaalada Bergen ku sheegay in ka waalid ahaan uu ku faraxsanyahay xukunka gudiga. Wuxuuna raaciyay in arintan ay mudo ku heysay culeys dhanka maskaxda ah, uuna go´aanka gudigu xaqiijinayo dareenkii uu dhacdadan ka aaminsanaa oo aheyd, in qalad sharci daro ah laga galay gabadhiisa iyo waalidkeedba.

Sida uu qoray wargeyska BT, Gabadha lix sano jirka ah ee aabahan soomaaliga ah ayaa baaritaan gudniin ah lagu sameeyay labo oo isku xiga. Kadib markii shaqaalaha xarunta xanaanada ay gudbiyeen fariin shaki ah oo la xiriirta in gabadha yar la guday. Labada marba, waxaa baaritaanka dhakhtarka lagu xaqiijiyay in gabadha yar aan la gudin, sida ay waalidkeedu horey u sheegeen.

Abdul-Kadri Ahmed oo ah aabahan gabadha, ayaa markii hore ee baaritaanka koowaad lagu sameeyay gabadha, la hadlay warbaahinta lokalka ah ee Bergen, isaga oo gudbiyay dareenkiisa la xiriira baaritaanka shakiga heybsooca ah ee lagu sameeyay gabadhiisa. Laakiin baaritaanka gudniinka ee labaad kadib, ayuu dacwad la xiriirta heybsooc isir ah oo gabadhiisa lagu sameeyay u gudbiyay gudiga Maxkamadeedka ( diskrimineringsnemnda)

Gudiga ayaa hada «Kommunaha» Bergen ku xukumay inay jabiyeen sharciga la xiriira faquuqa dowliga ah iyo siniinta, waxeyna aabahan soomaaliga ah u xukumeen kiiska oo «kommunaha» kusoo oogay.

Wareysiga uu Abdul siiyay wargeyska BT, ayuu ku sheegay inuu wel-wel ka qabo saameynta uu baaritaanadan gudniinka ah ee gabadhiisa lag sameeyay ku yeelan doono xiriirka ka dhaxeeyo iyada iyo waalidkeed.

Ma ahan markii ugu horeysay ee degmooyinka Norway looga guuleysto dacwadaha la xiriira heybsooca isirka oo ay kula kacaan waalidiinta iyo caruurta ajaaniibta ah. Wuxuuna kiiskan muujinayaa inay suurtogal tahay in qofku uu xaqiisa waalidnimo ku raadin karo wado sharci ah, iyada oo la marayo hey´addaha qaabilsan kiisaskaas.

Xigasho/kilde: No er det slått fast at Bergen kommune braut lova.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments