Wiil reer Norway ah oo kamid ahaa dadkii shaley ku geeriyooday shilkii doonida Beledweyne.

0
152
Foto: Facebook

Magaalada Beledweyne iyo deegaamo kale oo hoos taga gobolka Hiiraan, ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyay ka dhacay fatahaado xoogan oo ka dhashay biya-baxa wabiga Shabeele.

Doon ay saarnaayeen masuuliyiin katirsan maamulka Hir Shabeele ee Soomaaliya iyo kan degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa shaley ku dhex gadoontay fatahaada ka dhalatay biya-baxa wabiga.

Waxaana shilkaas ku geeriyooday inta ilaa hada la xaqiijiyay 2 qof, halka 9 qof oo kalena wali la la´yahay.

Sida ay qoyskiisu noo xaqiijiyeen, waxaa dadka shilkaas naxdinta leh ku geeriyooday kamid ahaa Sharmarke Khaliif Xasan oo kamid ahaa jaaliyada soomaaliyeed ee Norway. Sharmarka ayaa ah mid kamid labada qof ee la xaqiijiyay inay shilkaas ku geeriyoodeen.

Sharmarke Khaliif Xasan ayaa kamid ahaa dadka gargaarka iyo gurmadka u fidinayay dadka ku waxyeeloobay fataxaada, rabeyna inay soo badbaadiyaan dadka ku xayirnaa xaafadaha ay biyuhu xireen.

AUN Sharmarke oo ahaa aabe leh qoys iyo caruur degan Norway, ayaa kamid ahaa soomaalida degan magaalada Bergen. Waxeyna dadka aqoonta u lahaa noo sheegeen inuu ahaa qof firfircoon oo howlaha bulshada aad ugu qeybqaato, ugana dhex muuqdo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments