Wasaarada arrimaha dibadda Norway oo lagu qasbay inay shir jaraaid ka qabato deyntii Soomaaliya.

0
200

Isbuucii hore dowlada Norway ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso inay Soomaaliya ku caawin doonto deyn dhan 3,1 bilyan oo lacagta Norway ah, una dhiganya 353 milyan oo dollar.

Lacagtaas ayay Norway sheegtay inay Soomaaliya ugu caawineyso si ay ugu fududaato gaarista qorshaha deyn cafinta oo Soomaaliya ay aad baahi weyn ugu qabto.

Deynta ay Soomaaliya siineyso ayaa ah nooca loo yaqaan deynta kala wareejinta, oo ka dhigan in Norway ay lacagta toos ugu shubeyso bankiga aduunka, waxaana isla markiiba lacagtaas Norway dib ugu soo celin doono Bankiga aduunka. Kana dhigan in Soomaaliya aysan lacagta heleynin, balse magaceeda lagu siinayo bankiga aduunka.

Markii ay soo baxday warka ku saabsan deynta, waxaa su aalo badan ka keenay warbaahinta Norway labo sababood dartood: Cadadka lacagta deynta ah oo aad u badan iyo wadanka la siiyay oo ah Soomaaliya.

Warbaahinta ayaa su´aalaha ugu badan ka keenay in Soomaaliya oo kamid ah wadamada ugu musuqmaasuqa badan aduunka, magaceeda lagu bixiyo lacag intaas le´eg tiro ahaan.

Wasaarada oo eedeymahaas ka jawaabeyso ayaa jimcihii qabatay shir jaraaid oo su´aalaha warbaahinta looga jawaabayo. Waxeyna shaqaalaha wasaarada ee qaabilsan xiriirka iyo warfaarinta mudo 40 daqiiqo ah ka jawaabayeen su´aalaha arintan ku saabsan.

Regjeringen vil bistå Somalia med milliardlån

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments