Shardiga Imtixaanka «kjentmann sprøve» oo wadayaasha tagaasida laga joojiyay.

0
102

Dowlada Norway ayaa bilo kahor baarlamaanka u gudbisay soo jeedin ay ku codsaneyso in isbadal lagu sameeyo xeerka iyo sharciga gaadiidka dadweynaha ee Tagaasida.

Dowlada ayaa isbadal hada ku sameysay sharciga tagaasida, waxaana magaalada Oslo la fududeeyay shuruudaha ku xiran wadista baabuurka tagsiga.

Imitxaanka «kjentmannsprøve» oo kamid ahaa shuruudaha lagu xiro qofka raba in la siiyo ogolaanshaha wadista taxi-siga ayaa hada meesha laga saaray. Taas oo ka dhigan in qof walba uu hada codsan karo ogolaanshaha wadista taxi-siga, hadii caafimaadkiisu uu fiicanyahay, wax danbi ahna uusan galin.

Sidoo kale dadka ka yimaada Yurubta kale, gaar ahaan wadamada la isku yiraahdo EØS ayaa iyagana loo ogolyahay inay Oslo ku dhex wadaan taxi-siga, hadii ay buuxiyaan shuruuda caafimaadka iyo tan danbi la ´aanta.

Inkasta oo meesha laga saaray imtixaanka «Kjensmannsprøven», hadana shirkadaha tagaasida ayaa fursad u heysta ama xor u ah inay qofka ay u dhiibayaan baabuurka uu aqoon fiican u leeyahay magaalada.

Shirkadii bixin jirtay koorsooyinka iyo imtixaanka wadista baabuurka taxi-siga, ayaa iyadna bishii lasoo dhaafay albaabada loo laabay.

Xigashi/kilde: Slutt på krav om kjentmannsprøve for taxisjåfører

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments