fredag, april 19, 2024

Buug uu qoray saaxiibka gabadha boqorka Norway oo la joojiyay daabacaadiisa.

Madbacadda Cappelen Damm ayaa maanta war ay soo saartay ku sheegtay inay joojisay daabicista buug uu qoray Durek Verrett oo ah saaxiibka gabadha boqorka dalkan Norway.

Madbacadda ayaa joojinta buugaas ku sababeysay in qeybo kamid ah buuga uu ka yimid falcelin xoogan oo ku saabsan sax ahaanshaha awooda uu ninkan sheeganayo. Gaar ahaan qoraalo ku saabsan daaweynta cudurka kansarka oo dood badan abuuray.

Knut Ola Ulvestad oo ah madaxa madbacadda ayaa wakaalada NTB u sheegay in markii hore ay aqbalayeen daabicista buugan aysan si fiican u wada akhrin. Kadib markii ay akhriyeen nuqul ingiriisi ah oo buuga katirsana ay go´aansadeen inay joojiyaan daabacaadiisa.

Durek Verret: Waxaan daaweeyaa cudurada, waxaana la hadlaan ruuxaan.

Ninkan ayaa buug ka furay warbaahinta Norway iyo qoyska boqortooyada, kadib markii uu saaxiib la noqday gabadha boqorka. Waxeyna la saaxiibtinimadiisa ku kaliftay inay joojiso adeegsiga magac maamuuska ina boqor(Prinsesse).

Ninkan ayaa sheegto inuu daaweeyo cuduro ay kamid yihiin kansarka, dhiig yaraanta iyo dhalmo la´aanta. Uuna la hadlo ruuxaano u sii sheega wixii dhici doono mustaqbalka, sidoo kalena uu leeyahay awood dhimista da´da qofka, uuna dadka gaboobay ka dhigi karo dhalinyaro.

Xigasho/kilde: Sjaman Dureks bok stoppes

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x