Marianne Borgen oo mar kale loo doortay «duqa» magaalada Oslo.

0
219
Duqa Oslo, Marianne Borgen. Foto: FacebookPage-Marianne Borgen

Xisbiyada garabka bidix(Ap, SV, MDG & Rødt) ayaa maanta soo saaray bayaanka heshiiska ay afarta ee soo socoto ku maamuli doonaan magaalada Oslo, Kadib doorashadii golaha deegaanka.

Marianne Borgen oo katirsan xisbiga SV, afartii sano ee ugu danbeysayna aheyd duqa magaalada Oslo, ayaa mar kale loo doortay inay afarta sano oo cusub ay sii ahaato duqa magaalada Oslo.

Marianne Borgen oo mararka qaar loogu yeero hooyada Oslo ayaa ah qof ay bulshada magaalada ku dhaqan aad u jecelyihiin, maadaama ay in badan oo bulshada kamid ah u muujiso dabacsanaan, dhageysi iyo la joogista xiliyada ay dhibaatooyinka soo gaaraan.

Mrs Borgen ayaa xiriir dhow laleh bulshada soomaalida ah ee ku dhaqan Oslo, waxeyna marar badan kasoo muuqatay kulamo ay soomaalidu ku casuumeen.

Si gaar ah, waxey aad uga qeybqaadatay gurmadkii ay Soomaalida Oslo u fidiyeen soomaalidii ku waxyeeloobay qaraxii 14-ka Oktober ee magaalada Muqdisho iyo abaarihii 2017.

Waxaa wali dhiman oo aan lagu heshiin booska ku xigeenka duqa magaalada Oslo, oo xisbiyadu ay wali isku heystaan xisbiga booskaas qaadan doono.

Kamzy Gunaratnam oo katirsan xisbiga SV, afartii sano ee lasoo dhaafeyna aheyd ku xigeenka duqa Oslo, ayaan la hubin inay booskaas sii heysan doonto iyo inkale. Kamzy ayaa asal ahaan kasoo jeedo dalka Srilanka, waxeyna kamid aheyd ajaaniibta faro ku tiriska ah ee jago waaweyn ka haya magaalooyinka waaweyn ee Norway.

Xigasho/kilde: Marianne Borgen fortsetter som ordfører i Oslo

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments