Dowlada oo 2 sano kadib wali ku dhagan inaan maxkamad loo wareejin dib u celinta jinsiyada Norway.

0
82

Baarlamaanka Norway ayaa sanadkii 2017 dowlada ku amray inay go´aanka iyo awooda kala noqoshada jinsiyada ee qofka heysta dhalashada Norway laga wareejiso hey´adda ajaaniibta, isla markaana loo wareejiyo maxkamado madax banaan.

Waxeyna baarlamaanku dowladu ku amreen inay isbadal ku sameyso sharciga soo galootiga, isla markaana ay keento qorshe cusub oo isbadalkaas lagu meelmariyo.

Dowlada oo 2 sano ku dhaganeyd keenista qorshaha isbadalka sharcigaas, ayaa isbuucii hore soo saartay soo jeedin cusub oo ay baarlamaanka u gudbiyeen. Kaas oo ay kusoo bandhigeen qaabka ay dowladu aaminsantahay in isbadalka xeerkaas cusub lagu meelmarin karo.

Dowlada ayaa u muuqata inay wali ku dhagantahay qodobka ah in gaarista go´aanka kala noqoshada dhalashada Norway, loo daayo hey´addaha qaabilsan ajaaniibta ee UDI iyo UNE. Iyaga oo sheegay in wadatashiyo badan oo ay sameeyeen kadib, ay ogaadeen in maxkamaduhu aysan awood u heynin qaadista kiisaskaas oo dhowr boqol kor u dhaafaya. Taasna ay keeni karto culeys dhanka fulinta qorshahaas ah, ayna isku dhexyaac ka abuuri karto hanaanka gaarista, fulinta iyo xaqiijinta go´aamada dowlada.

Waxeyna dowladu wali ku adkeysaneysaa in hey´addaha qoxootigu ay yihiin kuwa ugu haboon ee go´aankaas gaari kara, balse maxkamaduhu ay hubiyaan in go´aanka ay gaareen uu yahay kii saxda ahaa ama in dib looga noqon karo. Iyada oo dowladu ay rabto in qofka la siiyo jaanis uu kiiskiisa ku difaacdo, inta uu socdo prosseska go´aankaas, loona qabto qareen ay dowladu bixineyso lacagtiisa.

Waxaa xusid mudan in isbadalka arintan iyo go´aanka baarlamaanku ay gaareen sanadkii 2017, ay asal ka timid buuqii ka abuurmay kiiskii Mahad Abiid oo ahaa nin dhalinyaro soomaali ah.

Baarlamaanka ayaa mar kale u fariisan doono dhageysiga soo jeedinta dowlada, iyaga oo go´aan ka gaari doono inay ku qanceen, ama inay dowlada mar kale shaqada dib ugu celin doonaan.

Xigasho/kilde: Tilbakekalling av statsborgerskap skal fortsatt behandles av forvaltningen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments