Baarlamaanka Norway oo mushaarkii ka goostay Keshvari.

0
110
Foto: Stillebilde/Youtube

Mezyar Keshvari oo horey u ahaan jiray afhayeenka arrimaha soo galootiga ee xisbiga Frp, ayaa shaley maxkamada Nedre romerikke ku xukuntay 7 bilood oo xabsi ah. Kadib markii lagu helay danbi la xiriira wax is daba marin dhaqaale.

Keshvari ayaa wali ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, wuxuuna xaq u leeyahay inuu sii wato shaqada baarlamaanka marka uu dhameysto mudo xabsiyeedka lagu xukumay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Norway, Tone Trøen ayaa shaley sheegay in Keshvari uusan qaadan doonin mushaarka iyo gunada xildhibaanimo, mudada uu kujiro xabsiga ee uu dhameysanayo xukunka lagu xukumay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in gudoonka baarlamaanka Norway ay go´aanka arintaas ku saabsan gaareen isbuucii hore, markaas oo ay bilaabatay dhageysiga maxkamada Keshvari.

Keshvari ayaa wali kusii fadhin karo kursiga baarlamaanka, xitaa hadii uu soo dhameysto mudo xabsiyeedka lagu xukumay. Balse waxaa sugayo dacwad kale oo la xiriirta haweenay uu horey hanbajaad ugu geystay.

Xigasho/kilde: Mazyar Keshvari får ikke godtgjørelse mens han soner bedrageridommen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments