Shantan waxyaabood ka ogow fadeexada hey´adda NAV ee boqolaalka qof loo xukumay.

0
115

Hey´adda NAV oo kamid ah hey´addaha ugu muhiimsan ee bixinta adeega dadweynaha dowlada ayaa waxaa soo wajahday mid kamid ah fadeexadihii ugu weynaa taariikhdeeda.

Qalad ay hey´adda sameysay ayaa sababay in xabsi lagu xukumo ku dhawaad 40 qof, halka boqolaal kalena laga codsaday inay soo celiyaan lacag horey loo siiyay. Shantan waxyaabood ka ogow fadeexadan:

1: Maxaa dhacay:

NAV ayaa laga soo bilaabo bishi juni sanadkii 2012 si sharciga aan waafaqsaneyn ka dalbaneysay dadka qaata lacaga xanuunka shaqada iyo dadka aan shaqeyn karin xanuun dartiis(Sykepenper & AAP), inay soo celiyaan lacagaha ay qaateen. Hadii xili kamid ah xiliyada ay lacagtaas qaadanayeen ay ku sugnaayeen wadan kamid ah EU-da.

Sharci ay Norway saxiixday ayaa qofka Norway kaalmada qaata xaq u siinaya inuu lacagtaas qaadan karo, hadii uu ku suganyahay wadan kamid ah EU-da.

2: Arintan yey taabaneysaa: Dadka caadi ahaan degen Norway, balse u safro wadan kamid ah EU-da. Waxeyna u badanyihiin ajaaniibta Yurubiyaanka ah ee ka shaqeysata Norway, balse waxaa sidoo kale kujiro dad Norwiiji dhalad ah. Tusaale ahaan, waxaa kamid ah dad badan oo xiliyada qaboobaha rabay inay fasaxa xanuunka shaqada ku qaataan wadan qorax ah oo EU-da katirsan, sida Spain.

3: Maxey dadkan sameeyeen oo loo xukumay:

Waxey NAV ka qaadan jireen lacagaha ama taageerda dhaqaale ee qofku marka uu xanuunsado isaga oo shaqeynayo(Sykepenger) ama lacagta ku meelgaarka xanuunka shaqada(AAP). NAV uma aysan sheegin inay wadanka ka maqnaayeen, markii ay NAV ogaateyna waxaa lagu furay kiisaska maxkamadeed. Kuwii sheegtayna inay wadanka ka maqnaayeen, waxaa diidmo laga siiyay codsiga helista lacagtaas.

4: Maxaa lagu heystaa:

Sharciga Norway ayaa dadkaas u diidayo inay wadanka ka baxaan oo wadanka u safraan mudo, inta ay taageerada dhaqaale dowlada ia helayaan. Balse sharciga EU-da oo ay Norwey qeyb ka saxiixday ayaa dadkaas u ogolaanaya inay wadamadaas joogi karaan, mudada ay lacagtaas NAV ka qaataan.

5: Imisa qof ayaa xaqdaro lagu xukumay:

Ilaa hada in la ogyahay waxaa si xaqdaro lacago ay xaq u lahaayeen looga celiyay 2400 qof, halka ugu yaraan 40 qof oo kale xabsiyo lagu xukumay. Dadka ayaa hada xaq u leh inay dowlada ka helaan magdhow lacageed, isla markaana magacooda laga masaxo liiska danbiga.

Xeer ilaaliyaha guud ee Norway ayaa sheegay inay kiisaskan u saareen gudi gooni ah oo soo uruuriyo tirada dadka ay saameysay, kana howlgalo sidoo dadkaas loo caawin lahaa.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments