Imtixaanka loo galo qaadashada jinsiyada Norwiijiga oo laga cabanayo.

0
111

Dowlada Norway ayaa sanadkii 2017 soo rogtay inay imtixaan luuqada ah ka qaado dadka raba inay qaataan jinsiyada Norwiijiga. Waxaana wixii intaas ka danbeeyay qofka qaadanayo baasaboorka Norway, ku waajib aheyd inuu qaato imtixaan afka ah iyo mid kale oo aqoonta bulshada ah.

Wasaarada waxbarashada ayaa hadana mar kale soo jeedisay in la adkeeyo imtixaanka afka ee laga qaado dadka, marka ay codsanayaan Dhalashada Norway. Dowlada ayaa soo jeedisay in imtixaanka afka ah laga dhigo B1, halkii markii hore uu ka ahaa A2.

Caqli gal ma ahan:

Dad badan ayaa soo jeedinta ee adkeynta imtixaanka luuqada ku tilmaamay mid aan macquul aheyn, maadaama dad badan oo ku adkaan karo ka gudbista imtixaankaas.

Macalimiinta barta dadka waaweyn ee qaata imtixaankan, iyo shaqaalaha qaada imtixaanka ayaa isla qiraya in shuruuda luuqade ee qaadashada ay tahay mid Aad u sareyso, marka loo eego dalalka kale ee Yurub.

Waxeyna soo jeediyeen in la helo qaab kale oo lagu tijaabiyo aqoonta qofka ee bulshada iyo luuqada, intii kor loo qaadi lahaa imtixcanka.

Dowlada ayaa dhankeeda ku adkeysaneyso in barashada, fahanka iyo aqoonta luuqadu ay tahay furaha isdhexgalka bulshada. Sidaas darteed ay muhiim tahay in kor loo qaado shuruudaha luuqada, si qofka loogu dhiirigaliyo barashadeeda.

Xigasho/kilde: – Mange vil aldri klare norskkravet til statsborgerskap

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments