Wasiirada cadaalada Norway oo mooshin kalsooni noqosho ah laga keenay: Ogow sababta!

0
197

Koox xildhibaano mucaarad ah oo katirsan baarlamaanka Norway ayaa soo jeediyay in baarlamaanka la keeno mooshin kalsoonida lagala noqonayo wasiirada cadaalada Norway, Sylvi Listhaug oo maalmihii ugu danbeeyay  la kulmeysay cambaareyn iyo eedeymo waaweyn.

Soo jeedinta mooshinka ayaa timid kadib markii wasiirada cadaalada iyo soo galootigu ay barteeda Facebooga soo dhigtay qoraal ay xisbiga shaqaalaha ee Ap ay ku dureyso inuu u xaglinayo argagaxisada, intii ay ka fikiri lahaayeen amniga Norway.

Hadalkaas ayaa kusoo beegmay xili ay xisbiga mucaaradka ee baarlamaanka Norway uuna hogaaminayo Ap ay diideen meelmarinta qorshe ay dowladu wadatay, kaas oo ah in maxkamad la aan dhalashada Norway lagala noqday dadka usoo dagaalamay ama looga shakiyo inay usoo dagaalameen ururada argagaxisada ee wadanka dibadiisa.

Xisbiyada mucaaradka ayaa soo jeediyay in dadka usoo dagaalama ururada argagaxisada laga qaadi karo dhalashada Norway, hadii ay maxkamad go’aamiso, ayna heystaan dhalashada dal kale. Halka dowladuna ay rabtay in wasaarada cadaalada ay qofka toos uga qaadi karto dhalashada Norway.

Siyaasiyiin tiro badan oo katirsan xisbiyada mucaaradka iyo muxaafidkaba ayaa hadalka Listhaug ku tilmaamay mid u janjeera dhinaca afkaarta midigta fog ee kooxaha xagjirka ah, iyaga oo Listhaug ku eedeeyay inay gabtay masuuliyadii wasiirnimo ee saarneyd. Sidoo kale waxey reysulwasaare Erna Solberg ka codsadeen inay wax ka qabato hadalada qalafsan ee wasiiradan, iyaga oo qaarkoodna ay dalbadeen in xilka laga qaado.

Listhaug iyo FRP ayaa dhankooda diiday inay wax raali-galin ah ka bixiyaan hadalkaas, iyada oo dhanka kale ay xubno katirsan baarlamaanka Norway ay soo jeediyeen mooshin kalsoonida loogala noqonayo Listhaug.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments