Waa imisa tirada dadka soo galootiga ah ee Norway kunool? Wadamadee ayayse kasoo jeedaa

0
223
soo galooti

Sida ay sheegtay wakaalada tirokoobka iyo macluumaad uruurinta ee SSB, waxaa bishii January ee sanadkan 2018 Norway degenaa 916.625 qof oo isugu jiro dad soo galooti ah iyo caruurta ay dhaleen. Waxeyna guud ahaan bulshada Norway kunool ka yihiin 17,3%.

Soo galootiga ugu badan ee Norway kunool waxey kasoo jeedaan dalka Poland, waxaana kusoo xiga dadka kasoo jeedo Lituen, iyada oo Swedishku ay soo galayaan kaalinta sadexaad. Soomaalida ayaa ah qowmiyada afaraad ee ugu badan ee soo galootiga ah ee Norway kunool.

Soomaaliduna waxey noqonayaan soo galootiga ugu badan ee Norway degan, isla markaana kasoo jeedo wadan aan reer Yurub aheyn.Dadka kasoo jeedo dalka Siiriya oo badankood ku cusub Norway ayaa soo ciriirsaday booska shanaad ee soo galootiga ugu badan ee Norway kunool.

Guud ahaan waxaa Norway kunool 5,3 milyan qof. Waxaana kororka tirada soo galootiga Norway kunool ku yimid hoos u dhac, waxaana sabab u ah dhaqaalaha Norway oo hoos u dhacay iyo tirada dadka magangalyada weydiista Norway oo hoos u dhacay.

 

Xigasho/kilde: Dagbladet.no, NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments