Hamar: Nin soomaali ah oo mar kale ay maxkamad ku heshay fal danbiyeed isku day dil ah

0
109
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Nin soomaali dhalinyaro ah ayaa maanta mar kale maxkamada Hamar ay ku heshay fal danbiyeed isku day dil ah oo uu kula kacay gabar soomaali ah oo uu xiriir ka dhaxeeyay.

Maxkamada Hamar ayaa ninkan horey ugu xukuntay sagaal sano oo xabsi ah, balse wuxuu racfaan ka qaatay xukunka hore ee maxkamada. Mar kale ayay maanta xeer-beegtida maxkamada darajada labaad ee Hamar ay ninkan ku heleen danbiga lagu soo eedeeyay, kaas oo ahaa isku day dil.

Haweeneyda uu ninkan soomaaliga ah dhaawacyada gaarsiiyay ayaa in mudo ah isbitaalka jiiftay, waxeyna dhaawacyo kasoo gaareen wajiga iyo qeybo xabadka kamid ah, sida ay qoreen warbaahinta lokalka ah ee deegaanka Hamar.

Xigasho/kilde: Ringesaker-Blad.no

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments