1753 qof soomaali ah oo sanadkii hore qaatay dhalashada dalkan Norway.

0
154

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2017, waxaa dhalashada Norway heshay, isla markaana noqday muwaadiniin Norwiiji ah, dad soomaaliyeed oo tiro ahaan gaaraya 1753 qof. Soomaalida ayaa ah qowmiyada labaad oo ay kasoo jeedaan dadka ugu badan ee qaatay dhalashada Norway sanadkii hore.

Waxaana booska koowaad kujira dadka kasoo jeeda Ereteria oo sanadkii lasoo dhaafay ay dhalashada Norway ka qaateen dad ku dhow 3000 qof. Booska sadexaad waxaa soo galaya dadka kasoo jeeda dalka Thailand oo ay dhalasho Norway ka qaateen dad dhan 1649 qof.

Inkasta oo aan wali Norway laga ogolaan in qofku uu isku heysto labo dhalasho, hadana dadka ugu badan ee qaata dhalashada Norway, waxey wali sii heystaan dhalashadii hore oo aysan iska badalin.

Xigasho/kilde: BT

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments