Qareenka dowlada Norway oo ku gacan seyray soo hormarinta maxkamada racfaanka Mahad Abiib

0
109
Mahad Abiib Foto: NorSom News

Maxkamada racfaanka ee darajada labaad ayaa ogolootay in lasoo hormariyo dhageysiga kiiska dacwada Mahad Abiib oo lagu balansanaa bisha October ee sanadkan 2018, balse qareenka dowlada ayaa ku gacan seyray arintaas.

Maxkamada racfaanka ayaa Mahad usoo bandhigtay in dhageysiga dacwada kiiskiisa laga dhigo shanta bisha Maarso ee soo socoto, waxeyna ogolaatay in xiligii lagu balansanaa lagu horumariyo 7 bilood.

Qareenka dowlada oo kiiska kaga hormarin lahaa qareemada Mahad abiib ayaa dhankiisa diiday in lasoo hormariyo kiiska dacwada,  waxuuna sheegay in waqtigaas uu dhankooda uusan munaasab u aheyn. Isaga oo sheegay inay gacanta ku hayaan kiisas kale xiligan.

Mahad Abiib ayaa dhamaadka sanadkii 2017 magangalyo weydiistay dalka Island, balse wuxuu codsigiisa magangalyada Island ka helay diidmo, maadaama la sheegay inuu horey magangalyo usoo weydiistay wadan kale oo Yurub ah. Mahad ayaa racfaan ka gudbiyay go aanka diidmada dowlada Island.

Xigasho/kilde: TV2.NO(halkan kasii akhri)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments